Dowladda Mareykanka ayaa Aqbashay in ay dib u dajin u sameyso Qaxooti oo ay Soomaali ku jirto oo ku sugan Xeryo Qaxooti oo ku yaalla Jaziiradda Nauru ee ku dhow dalka Australia.
Qaxootigani ayaa noqonaya qeybtii 4-aad ee uu Mareykanku ogolaado in uu dib u dajin ugu sameeyo dalkiisa kadib wahadal muran dhaliyay oo dhexmaray madaxda Mareykanka iyo Australia.
Illaa 110 Qof ayaa dib u dajin looga sameeyay dalkaasi Mareykanka, iyadoona ku dhawaad 2,000 oo kalena ay weli ku harsan yihiin Xeryahahaasi.
Dadkani ayaa ah dhaamaantood Rag, kuwaas oo aan wax wehliyaa jirin, marka laga reebo 1 Nin oo ka soo jeeda Qowmiyadda Rohinga iyo Xaaskiisa.
Sida uu sheegay mid ka mid ah Mas’uuliyiinta hay’ad ka shaqeysa arrimaha Qaxootiga dadkaasi magangalyo doonka ah ayaa ka soo kala jeeda dalalka Iran, Soomaliya , Pakistan, Afghnistan iyo Myanmar.
Dhawaan ayey ahayd markii dowladda Mareykanka sheegtay in ay xanibaadii ka qaaday Muwaadiniinta dalal ay ku jirto Soomaaliya, kuwaas oo horay looga mamnuucay in ay tagaan dalkaasi
Commentaires
Enregistrer un commentaire