Accéder au contenu principal

Ciidamada Danab oo la wareegay degaano ka tirsan Sh/Hoose

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kuwa Danab ayaa saakay aroortii Howlgal lagu jarmaaday waxa ay ku qaadeen degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo ay maamulayeen xoogaga ururka Al-shabaab.
Ciidanka xoogga dalka oo garab ka helaya Ciidamo cadaan ah oo Mareykanka u dhashay iyo kuwa AMISOM ayaa waxa ay dagaal la’aan la wareegeen degaano ay ka mid yihiin Mubaarak, Daarusalaam, iyo degmada Awdheegle oo dhammaantood ka wada tirsan Shabeellaha Hoose.
Hugunka Rasaasta iyo Qaraxyo toos ah ayaa saakay aroortii hore laga maqlayay degaanada uu Howlgalka ka dhacay, waxaana Hubka adeegsanayay labada dhinac, shacabka halkaasi ku sugan ayaa cabsi badan ay soo wajahday.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka ayaa Idaacadda Risaala si hoose ugu sheegay Ciidamada inta ay Howlgalkooda ku guda jireen in ay iska hor imaad kula kulmeen Tuulada Ugunji oo u dhow degaanka Janaale, wuxuuna dagaal kooban dhexmaray Ciidanka Millitariga iyo ururka Al-shabaab.
Saraakiisha ayaa waxa ay inoo sheegeen in Ciidamada ay la wareegeen ilaa Saddex degaan oo ka tirsan Shabeelleha Hoose, hadana ay wadaan Ciidamada Howlgallo Miino baaris ah, ayna xaqiijinayaan ammaanka degaanada ay la wareegeen.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidanka Bancroft-ta ka soo baxay dhanka Garoonka Diyaaradaha Balidoogle iyo ciidamo kale oo ka baxay Muqdisho ay ku biireen Howlgalka ka socda Gobolka Shabeellaha Hoose.
Qof goobjooge ah oo u waramay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay arkeen Meydadka ilaa Afar Dagaalame oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab iyo qof shacab ah, kuwaasi oo intii uu Howlgalka socday la dilay.
Sidoo kale Qofkan goojoogaha ah ayaa inoo sheegay Ciidamada Shabaab saqdii dhexe ee xalay intooda badan in ay ka baxeen degaanada maanta ay la wareegeen Ciidamada Dowladda, maadaama uu sheegay in ay ka war heleen in weerar lagu soo yahay.
Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka helayno gobolka ayaa sheegaya in Diyaarado dagaal ay dul heehaabayaan aagaga uu hawlgalku ka socdo kuwaas oo loo malaynayo inay yihiin diyaarado Maraykanku leeyahay.
Shabaab oo weerarkan uga hadlay dhankooda baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay sheegeen in ay Qarax la eegteen Kolonyo ay la socdeen Ciidamo cadaan ah, oo ay sheegeen in ay khasaare gaarsiiyeen.
Sidoo kale Shabaab waxa ay sheegeen in dagaal toos ah ay la galeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, waxayna Shabaab tilmaameen in Dagaalkan uu socday muddo saacado ah oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.
Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa caadeystay dhaqanka ah marka ay Shabaab kala wareegaan degaano in ay dib uga soo gurtaan, taasi oo sahleysa in Shabaab markale ay gacanta ku dhigaan degaanadii laga saaray

Commentaires

Posts les plus consultés de ce blog

Somaliland : DP World débarque à Berbera

L'accord passé début mai entre le port de Berbera et DP World a été finalisé le 29 janvier 2018 après la visite au Somaliland de Sultan Ahmed Ibn Sulayem, PDG de l'opérateur dubaïote. Le protocole d’accord, confirmé par le directeur du port, Ali Mohamed, porte sur la construction, d’ici à dix ans, d’un terminal d’une capacité de 200 000 conteneurs par an, donné en concession pour trente ans à  DP World . L’opérateur devra débourser 442 millions de dollars (près de 400 millions d’euros) pour réaliser et équiper les 650 mètres de quais. Le dragage (estimé à 500 millions de dollars) et la construction de la route qui reliera le port à l’Éthiopie (pour le même prix) restent à attribuer. Annoncé en mars, le contrat qui prévoit que 30 % du fret éthiopien transitera à terme par Berbera n’a en revanche pas été confirmé par Addis-Abeba

Shirka Wadatashiga IGAD oo Muqdisho ka socda

Mustafaa suxuufi Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda Shirka wadatashiga dalalka IGAD ku midoobey, waxaana Shirkaan looga hadlaayo arrimo dhowr ah oo ku saabsan dalalka IGAD. Shirkaan ayaa inta badan waxaa diiradda lagu saaraya hanaanka xuduudaha dalalka IGAD sidii layskaga gudbi lahaa fiisa la’aan. Waxaa Shirkaan ka qeyb galaya xubno ka socda dalalka IGAD Dowladda Dhexe ee Soomaaliya iyo sidoo kale maamul goboleedyada Wakiilo ka socda. Shirkaan ayaa ka socda xarunta Ciidamada AMISOM ee Muqdisho , waxaana uu noqonaya Shirkaan  kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee lagu qabto Magaalada Muqdisho. Sanadyadii ugu dambeeyay dalalka IGAD ayaa dadaal badan ku bixinaayay sidii loo hagaajin lahaa Xiriirka socdaalka ee dalalkaasi ka dhaxeeya
Jalousie maladive : l'amour à la vie à la mort ? HISTOIRE REEL, Je suis devenu solitaire Et je sens une impression le vide en moi Donc j’ai peur, qu’il m’arrive de ne penser personne d'autre que moi-même. Mais quand je me demande (que est ce qu’il m’a poussé cette solitude?) Au fond moi je vois   un homme seul et triste, Et qui n’a pas assez des forces Pour affronter cette évidence Il me faut plus de temps pour avancer. Alors, dans mon esprit il y a un trouble Une partie de mon esprit refuse cette conception de solitude Et il y a une question qui est devant moi Comment oublier mon passer ? Tant qu’à ne jamais dépasser le borne. Mais si j’oublie   mon passer J’ai l’impression que j’ai trahi mes gosses J’ai essayé   de trouver des aboutissements Pour maintenir   l’espoir, Mais mon cœur diminue aussi vite que   ma vie Et il est quasiment d’impossible de reste sans rien faire Il est hors de question   ...