Accéder au contenu principal
Faahfaahin Weerar lagu qaaday Guriga Gudoomiyihii Degmada Hawlwadaag


Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo, xalay lagu weeraray hoyga Muqdisho uu ka degan yahay Maxamed Abuukar Jacfar oo mar soo noqday Gudoomiyihii Degmada Hawlwadaag, iminkana ah Sarkaal ka tirsan hay’adda Nabad Suggida Somaliya.
Qaraxyada oo ahaa bambooyinka nooca gacanta laga tuuro, ayaa wararka waxa ay sheegayaan inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah.
Guriga Jacfar ayaa wuxuu ku yaalla Degmada Hawlwadaag, gaar ahaan nawaaxiga Iskuulka Dhagaxtuur, wadada ka baxda Isgoyska Dabka ee dhanka Bakaaraha aada, waxaana la sheegay raggii qaraxyada ku weeraray hoyga Jacfar inay baxsadeen.
Warbaahinta ayaa sheegaysa qaraxyadaasi inay ku geeriyoodeen laba ruux oo shacab ah oo ka agdhawaa guriga Jacfar, halka ruux kalena uu ku dhaawacmay.
Afhayeenka Wasaaradda amniga C/casiis Xildhibaan ayaa sheegay ciidamada ammaanka inay tageen goobta ay wax ka dhaceen, inkastoo aysan ku guulaysan soo qabashada raggii falkaasi gaystay.
Maxamed Abuukar Jacfar ayaa ah Sarkaal ka tirsan Nabad Suggida Soomaaliya, dhawaana waxaa laga qaaday xilka Taliyihii hawlgalada Ciidamada NISA

Commentaires

Posts les plus consultés de ce blog

Somaliland : DP World débarque à Berbera

L'accord passé début mai entre le port de Berbera et DP World a été finalisé le 29 janvier 2018 après la visite au Somaliland de Sultan Ahmed Ibn Sulayem, PDG de l'opérateur dubaïote. Le protocole d’accord, confirmé par le directeur du port, Ali Mohamed, porte sur la construction, d’ici à dix ans, d’un terminal d’une capacité de 200 000 conteneurs par an, donné en concession pour trente ans à  DP World . L’opérateur devra débourser 442 millions de dollars (près de 400 millions d’euros) pour réaliser et équiper les 650 mètres de quais. Le dragage (estimé à 500 millions de dollars) et la construction de la route qui reliera le port à l’Éthiopie (pour le même prix) restent à attribuer. Annoncé en mars, le contrat qui prévoit que 30 % du fret éthiopien transitera à terme par Berbera n’a en revanche pas été confirmé par Addis-Abeba

Faraca Samawade Ee Magaalada Riyad oo Kulmay

Mustafaa suxuufi online Maanta oo Jumce ahayd taariikhduna ay kubeegnayd 9/2/18 waxaa magaalada Riyad ee xarunta wadanka Sucuudiga kaqabsoomay shirkii todobaad laha ahaa ee faraca Samawade ee Jaaliyada Soomaalida Ogadenia. Shirkan oo ahaa mid sifiican loosoo agaasimay waxaa lagu furay aayado qur’aan ah iyo wacdi diini ah, wuxuuna sheekhu maanta wacdigiisa diirada kusaaray cabsida Allaah iyo fadliga Jihaadka. Intaas kadib waxaa kulanka khudbad dheer oo warbixin iyo xog waran isugu jirtay kasoo jeediyay gudoomiyaha Jaaliyada, isagoo bulshada kuguubaabiyay in loodiyaar garoobo isbadalada geeska Africa. Sidoo kale waxaa kulanka khudbado kala duwan kasoo jeediyay qaar kamid ah kaadirka faraca iyo waliba waxgaradka jaaliyada kuwaas oo dhamaantood kutaliyay in halganka lasii labanlaabo. Gabagabadii kulankii maanta ayaa kusoo dhamaaday sinabad galiyo ah waxaana lagu balamay xoojinta halganka ay JWXO hogaaminayso iyo difaaca shacabka dulman ee soomaalida Ogadenia.

Kenya oo hoos u dhigtay xukun horay loogu riday xubin ka mid ah Shabaab

Mustafaa Suuxufi Nin horay loogu eedeeyay inuu ka tirsanaa Al-shabaab una dhashay dalka Kenya ayaa xukunkii lagu riday laga qafiifiyay. Elgiva Bwire Oliacha, oo 35 jir ah ayey Maxkamad ku taalla Kenya xabsi daa’in ku xukuntay lix sano ka hor kaddib markii lagu helay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab. Waxaana Hadda lagu xukumay  15 sano oo xabsi ah, ka dib markii ay Maxkamadda Racfaanka kusoo oogtay inuu ka tirsan yahay Al Shabab. Ciidanka Kenya ayaa sheegay in Ninkan ay ka qabteen deegaanka Kooyaale isaga oo watay Qori AK-47 ah,labo Bastooladood,717 Xabbo oo rasaas ah,hal Qori oo nooca SNG-ga ah iyo 13 Bambo gacmeed. Ninkaan ayaa la waayay Foomkii lagu xukumay, waxaana Maxkamadda dowladda Kenya ay amartay in hoos oo dhigo xukunkii lagu riday. Garsoorayaasha ka la ah  Daniel Musinga, William Ouko iyo  Gatembu Kairu, ayaa sheegay in ay caddeyn u waayeen in Ninkan uu ku dhaawacmay weerarka Baska waxaana jirkiisa laga waayay dhaawacyada kiis dacwadeedkiisa ka mid ka...