Accéder au contenu principal

Kacdoonadii Itoobiya oo Sare Ukacay & Walwalka Wayaanaha oo Batay

Iyadoo ay wali wadanka gumaysiga Itoobiya sidii loogu talagalay uga socdaan kacdoonadii shacabka ee socod iyo shaqo la’aan ee dhalinta kacdoonadu ay kubaaqeen ayaa la arkayaa isusoobaxyo waawayn oo rabshado wata oo kasocda qaybo kamid ah wadanka.
Sida xogta aan kuhelayno dadwayne aad ufara badan oo kuwa kacdoon wadayaasha ah ayaa isugu soobaxay deegaanada kuxeeran magaalada gumaysiga caasimada u ah ee Addis Ababa, halkaas oo dadwaynuhu ay gubeen taayaro iyo waliba qashin aad ubadan.
Dad koob joogayaal ah oo kusugan magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in ay arkayeen qiiq aad uwayn oo ka baxaya wadooyinka waawayn ee magaalada soogala iyo dadwayne aad ufarabadan oo muujinaya sida ay udiidan yihiin gumaysiga mudada dheer daashada ee wayaanaha.
Dhinaca kale ciidanka wayaanaha oo wata dabaabaadka dagaalka ayaa lasheegayaa in ay meelo katirsan Oromia iyo Ahmara kafuliyeen howlgalo ay kubeegsanayaan dhalinta kacdoon wadayaasha ah iyagoo si naxariis daro ah ula dhaqmaya hadba cidii ay qabtaan.
Warka ayaa intaas kudaraya in ay ciidanka wayaanuhu qabteen in kabadan 40 oo dhalinyaro ah oo katirsan ururka dhalinyarada Oromada ee QEEROO looyaqaano, waxaana lasheegayaa in dhalintaas lageeyay meel aan lagaranaynin oo dhulka hoostiisa ah.
Dhinaca kale waxaa ladareemayaa khalkhalka ciidamada wayaanaha iyo maamul kusheegyada wadanka kajira, waxaana la arkayaa qaar kamid ah maamulada magaalooyinka oo ilaalo aad ubadan wata iyo waliba ciidan irdhaysan oo taagan isgoysyada magaalada Addis Ababa oo ah meesha kaliya ee wayaanuhu uu kumintidayo.
Dhinaca kale magaalada Herar ayaa lasheegayaa in uu iska hor imaad wayn kudhex maray ciidanka gumaysiga iyo dad shacab ah oo kacdoon wadayaal ah, waxaana lasoo tabinayaa in ugu yaraan uu qof shacab ah halkaas kudhintay, halka 10 dhalinyaro ahna ladhigay xabsi qarsoodi ah.
Sidoo kale magaalada Jima waxaa lagu dilay 8 qof oo shacab ah halka magaalaa Balay lagu dilay 3 qof oo shacab ah. Dhinaca kale ciidanka gumaysiga ee magaalada Dirdabe ayaa sheegay in aan lafuri karin dukaamada shacabku ay diideen in ay kashaqeeyaan

Commentaires

Posts les plus consultés de ce blog

Geeridii iyo aaskii Allaha u Naxariistee Cabdirashiid Cali sharmaarke

Djibouti : DP World chassé du port de Doraleh

PORT DE DORALE  Le gouvernement djiboutien a annoncé jeudi soir sa décision de mettre un terme au contrat qui le lie à l'émirati DP World, gestionnaire du terminal à conteneurs de Doraleh. Le pouvoir dubaïote annonce avoir saisi la Cour d'arbitrage de Londres. Coup d’éclat ou coup de force ? La décision, annoncée le soir du jeudi 22 février par le gouvernement djiboutien, de mettre un terme, unilatéralement, au contrat de concession signé en 2006 et pour une période de 30 ans, avec  l’opérateur dubaïote DP World,  provoque de sérieux remous le long des quais. Le gouvernement de Djibouti a saisi illégalement le terminal à conteneurs de Doraleh, accuse le pouvoir dubaïote Le ton de la réponse, donnée dans la foulée par les autorités de l’émirat, propriétaire de l’opérateur portuaire, laisse même envisager un regain de tension diplomatique entre les deux pays. « Le gouvernement de Djibouti a saisi illégalement le terminal à conteneurs de Doraleh », accuse l

Somaliland : DP World débarque à Berbera

L'accord passé début mai entre le port de Berbera et DP World a été finalisé le 29 janvier 2018 après la visite au Somaliland de Sultan Ahmed Ibn Sulayem, PDG de l'opérateur dubaïote. Le protocole d’accord, confirmé par le directeur du port, Ali Mohamed, porte sur la construction, d’ici à dix ans, d’un terminal d’une capacité de 200 000 conteneurs par an, donné en concession pour trente ans à  DP World . L’opérateur devra débourser 442 millions de dollars (près de 400 millions d’euros) pour réaliser et équiper les 650 mètres de quais. Le dragage (estimé à 500 millions de dollars) et la construction de la route qui reliera le port à l’Éthiopie (pour le même prix) restent à attribuer. Annoncé en mars, le contrat qui prévoit que 30 % du fret éthiopien transitera à terme par Berbera n’a en revanche pas été confirmé par Addis-Abeba