Accéder au contenu principal

Kacdoonadii Itoobiya oo Sare Ukacay & Walwalka Wayaanaha oo Batay

Iyadoo ay wali wadanka gumaysiga Itoobiya sidii loogu talagalay uga socdaan kacdoonadii shacabka ee socod iyo shaqo la’aan ee dhalinta kacdoonadu ay kubaaqeen ayaa la arkayaa isusoobaxyo waawayn oo rabshado wata oo kasocda qaybo kamid ah wadanka.
Sida xogta aan kuhelayno dadwayne aad ufara badan oo kuwa kacdoon wadayaasha ah ayaa isugu soobaxay deegaanada kuxeeran magaalada gumaysiga caasimada u ah ee Addis Ababa, halkaas oo dadwaynuhu ay gubeen taayaro iyo waliba qashin aad ubadan.
Dad koob joogayaal ah oo kusugan magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in ay arkayeen qiiq aad uwayn oo ka baxaya wadooyinka waawayn ee magaalada soogala iyo dadwayne aad ufarabadan oo muujinaya sida ay udiidan yihiin gumaysiga mudada dheer daashada ee wayaanaha.
Dhinaca kale ciidanka wayaanaha oo wata dabaabaadka dagaalka ayaa lasheegayaa in ay meelo katirsan Oromia iyo Ahmara kafuliyeen howlgalo ay kubeegsanayaan dhalinta kacdoon wadayaasha ah iyagoo si naxariis daro ah ula dhaqmaya hadba cidii ay qabtaan.
Warka ayaa intaas kudaraya in ay ciidanka wayaanuhu qabteen in kabadan 40 oo dhalinyaro ah oo katirsan ururka dhalinyarada Oromada ee QEEROO looyaqaano, waxaana lasheegayaa in dhalintaas lageeyay meel aan lagaranaynin oo dhulka hoostiisa ah.
Dhinaca kale waxaa ladareemayaa khalkhalka ciidamada wayaanaha iyo maamul kusheegyada wadanka kajira, waxaana la arkayaa qaar kamid ah maamulada magaalooyinka oo ilaalo aad ubadan wata iyo waliba ciidan irdhaysan oo taagan isgoysyada magaalada Addis Ababa oo ah meesha kaliya ee wayaanuhu uu kumintidayo.
Dhinaca kale magaalada Herar ayaa lasheegayaa in uu iska hor imaad wayn kudhex maray ciidanka gumaysiga iyo dad shacab ah oo kacdoon wadayaal ah, waxaana lasoo tabinayaa in ugu yaraan uu qof shacab ah halkaas kudhintay, halka 10 dhalinyaro ahna ladhigay xabsi qarsoodi ah.
Sidoo kale magaalada Jima waxaa lagu dilay 8 qof oo shacab ah halka magaalaa Balay lagu dilay 3 qof oo shacab ah. Dhinaca kale ciidanka gumaysiga ee magaalada Dirdabe ayaa sheegay in aan lafuri karin dukaamada shacabku ay diideen in ay kashaqeeyaan

Commentaires

Posts les plus consultés de ce blog

Somaliland : DP World débarque à Berbera

L'accord passé début mai entre le port de Berbera et DP World a été finalisé le 29 janvier 2018 après la visite au Somaliland de Sultan Ahmed Ibn Sulayem, PDG de l'opérateur dubaïote. Le protocole d’accord, confirmé par le directeur du port, Ali Mohamed, porte sur la construction, d’ici à dix ans, d’un terminal d’une capacité de 200 000 conteneurs par an, donné en concession pour trente ans à  DP World . L’opérateur devra débourser 442 millions de dollars (près de 400 millions d’euros) pour réaliser et équiper les 650 mètres de quais. Le dragage (estimé à 500 millions de dollars) et la construction de la route qui reliera le port à l’Éthiopie (pour le même prix) restent à attribuer. Annoncé en mars, le contrat qui prévoit que 30 % du fret éthiopien transitera à terme par Berbera n’a en revanche pas été confirmé par Addis-Abeba

Faraca Samawade Ee Magaalada Riyad oo Kulmay

Mustafaa suxuufi online Maanta oo Jumce ahayd taariikhduna ay kubeegnayd 9/2/18 waxaa magaalada Riyad ee xarunta wadanka Sucuudiga kaqabsoomay shirkii todobaad laha ahaa ee faraca Samawade ee Jaaliyada Soomaalida Ogadenia. Shirkan oo ahaa mid sifiican loosoo agaasimay waxaa lagu furay aayado qur’aan ah iyo wacdi diini ah, wuxuuna sheekhu maanta wacdigiisa diirada kusaaray cabsida Allaah iyo fadliga Jihaadka. Intaas kadib waxaa kulanka khudbad dheer oo warbixin iyo xog waran isugu jirtay kasoo jeediyay gudoomiyaha Jaaliyada, isagoo bulshada kuguubaabiyay in loodiyaar garoobo isbadalada geeska Africa. Sidoo kale waxaa kulanka khudbado kala duwan kasoo jeediyay qaar kamid ah kaadirka faraca iyo waliba waxgaradka jaaliyada kuwaas oo dhamaantood kutaliyay in halganka lasii labanlaabo. Gabagabadii kulankii maanta ayaa kusoo dhamaaday sinabad galiyo ah waxaana lagu balamay xoojinta halganka ay JWXO hogaaminayso iyo difaaca shacabka dulman ee soomaalida Ogadenia.

Kenya oo hoos u dhigtay xukun horay loogu riday xubin ka mid ah Shabaab

Mustafaa Suuxufi Nin horay loogu eedeeyay inuu ka tirsanaa Al-shabaab una dhashay dalka Kenya ayaa xukunkii lagu riday laga qafiifiyay. Elgiva Bwire Oliacha, oo 35 jir ah ayey Maxkamad ku taalla Kenya xabsi daa’in ku xukuntay lix sano ka hor kaddib markii lagu helay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab. Waxaana Hadda lagu xukumay  15 sano oo xabsi ah, ka dib markii ay Maxkamadda Racfaanka kusoo oogtay inuu ka tirsan yahay Al Shabab. Ciidanka Kenya ayaa sheegay in Ninkan ay ka qabteen deegaanka Kooyaale isaga oo watay Qori AK-47 ah,labo Bastooladood,717 Xabbo oo rasaas ah,hal Qori oo nooca SNG-ga ah iyo 13 Bambo gacmeed. Ninkaan ayaa la waayay Foomkii lagu xukumay, waxaana Maxkamadda dowladda Kenya ay amartay in hoos oo dhigo xukunkii lagu riday. Garsoorayaasha ka la ah  Daniel Musinga, William Ouko iyo  Gatembu Kairu, ayaa sheegay in ay caddeyn u waayeen in Ninkan uu ku dhaawacmay weerarka Baska waxaana jirkiisa laga waayay dhaawacyada kiis dacwadeedkiisa ka mid ka...