Accéder au contenu principal

Cyril Ramaphosa oo loo dhaariyay xilka madaxtinimada ee Koonfur Afrika

                           Cyril Ramaphosa


Madaxad caddaalada ee dalka Koonfur Afrika, Mogoeng Mogoeng ayaa xilka madaxweynaha ee dalka Koonfur Afrika u dhaariyay madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaasi, imikana ah madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa.
Barlamaanka dalka Koonfur Afrika oo kullan ku yeeshay magaalada Cape Town ayaa Cyril Ramaphosa u doortay inuu noqdo madaxweynaha dalkaasi.
Mr Mogoeng Mogoeng ayaa maanta ku dhawaaqay in Ramaphosa loo doortay madaxweynaha dalka, iyadoo aysan jirin cid kula loollantay kursiga.
Ramaphosa oo madaxweyne ku xigeen ah ayaa sida uu sharcigu qaba noqonaya madaxweyne ku xigeen marka uu madaxweynuhu xilka baneeyo.
Wuxuu xilkan sii hayn doonaa ilaa iyo inta baarlamaanka dalkaasi uu madaxweyhne cusub ka dooranayo.
Mr Ramaphosa ayaa bedelay madaxweynihii hore ee dalkaasi Jacob Zuma oo xalay khudbad uu ka jeediyay telefishenada ka sheegay inuu is casilay.
Cyril Ramaphosa waa siyaasi ganacsade ah, tan iyo bishii disembar na soo hogaaminayay xisbiga ANC.
Waxaa uu xafiiska la wareegayaa iyadoo xisbiga ANC iyo shacabka dalkaasi ay kala qeybsanyihiin, sidookale na dhaqaalaha wadankaasi uu sii liicayo.
Taariikh nololeedka Cyril Ramaphosa
  • Waxaa xabsiga loo taxaabay sannadkii 1974 ilaa iyo 1976, wuxuu kamid ahaa halgankii lagu diidanaa midab takoorka.
  • Wuxuu sannadkii 1990 kamid ah guddi ka shaqeeyay soo deynta Nelson Mandela.
  • Wuxuu inta badan ahaa ganacsade, waxaana mar uu kamid ahaa dadka ugu hantida badan koonfur Afrika.
  • Wuxuu isku dayay inuu bedelo Mandela sannadkii 1999, balse waxaa ka adkaadayThabo Mbeki.
  • Sannadkii 2012-ka wuxuu kamid noqday guddi loo saaray xasuuqii Marikana.
  • Sannadkii 2014-ka waxaa uu noqday madaxweyne ku xigeenka Koonfur Afrika.
  • Bishii Disembar ee sannadkii 2017-ka waxaa loo doortay hogaamiyaha xisbiga ANC.
  • 15-kii bishii Febraayo waxaa uu sidookale noqday sii hayaha xilka madaxweynaha ee dalka Koonfur Afrika

Commentaires

Posts les plus consultés de ce blog

Somaliland : DP World débarque à Berbera

L'accord passé début mai entre le port de Berbera et DP World a été finalisé le 29 janvier 2018 après la visite au Somaliland de Sultan Ahmed Ibn Sulayem, PDG de l'opérateur dubaïote. Le protocole d’accord, confirmé par le directeur du port, Ali Mohamed, porte sur la construction, d’ici à dix ans, d’un terminal d’une capacité de 200 000 conteneurs par an, donné en concession pour trente ans à  DP World . L’opérateur devra débourser 442 millions de dollars (près de 400 millions d’euros) pour réaliser et équiper les 650 mètres de quais. Le dragage (estimé à 500 millions de dollars) et la construction de la route qui reliera le port à l’Éthiopie (pour le même prix) restent à attribuer. Annoncé en mars, le contrat qui prévoit que 30 % du fret éthiopien transitera à terme par Berbera n’a en revanche pas été confirmé par Addis-Abeba

Shirka Wadatashiga IGAD oo Muqdisho ka socda

Mustafaa suxuufi Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda Shirka wadatashiga dalalka IGAD ku midoobey, waxaana Shirkaan looga hadlaayo arrimo dhowr ah oo ku saabsan dalalka IGAD. Shirkaan ayaa inta badan waxaa diiradda lagu saaraya hanaanka xuduudaha dalalka IGAD sidii layskaga gudbi lahaa fiisa la’aan. Waxaa Shirkaan ka qeyb galaya xubno ka socda dalalka IGAD Dowladda Dhexe ee Soomaaliya iyo sidoo kale maamul goboleedyada Wakiilo ka socda. Shirkaan ayaa ka socda xarunta Ciidamada AMISOM ee Muqdisho , waxaana uu noqonaya Shirkaan  kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee lagu qabto Magaalada Muqdisho. Sanadyadii ugu dambeeyay dalalka IGAD ayaa dadaal badan ku bixinaayay sidii loo hagaajin lahaa Xiriirka socdaalka ee dalalkaasi ka dhaxeeya
Jalousie maladive : l'amour à la vie à la mort ? HISTOIRE REEL, Je suis devenu solitaire Et je sens une impression le vide en moi Donc j’ai peur, qu’il m’arrive de ne penser personne d'autre que moi-même. Mais quand je me demande (que est ce qu’il m’a poussé cette solitude?) Au fond moi je vois   un homme seul et triste, Et qui n’a pas assez des forces Pour affronter cette évidence Il me faut plus de temps pour avancer. Alors, dans mon esprit il y a un trouble Une partie de mon esprit refuse cette conception de solitude Et il y a une question qui est devant moi Comment oublier mon passer ? Tant qu’à ne jamais dépasser le borne. Mais si j’oublie   mon passer J’ai l’impression que j’ai trahi mes gosses J’ai essayé   de trouver des aboutissements Pour maintenir   l’espoir, Mais mon cœur diminue aussi vite que   ma vie Et il est quasiment d’impossible de reste sans rien faire Il est hors de question   ...