Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Kiiska Qalbi dhagax
Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horreysay ka hadlay Kiiska Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ay dowladda Soomaaliya u dhiibtay dowladda Itoobiya.
Madaxweynaha oo la weydiiyay Su’aal ku aadan sababta lagu dhiibay Qalbi dhagax ayaa waxaa uu ku gaabsaday go’aankii ay ka gaareen arintaasi Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in arinta Qalbi dhagax Hay’adda Sharci dejinta ee dalka ugu sarreysa in ay ka gaartay Go’aan, islamarkaana go’aankaasi uu yahay midka ugu dambeeya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku gaabisay in Kiiska Qalbi dhagax uu soo dhamaaday, islamarkaana ay tahay mid ay u codeeyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii lasoo dhaafay jahwareer badan kala kulantay dhiibiistii Cabdikariin Sheekh Qalbi dhagax oo ka mid ahaa Saraakiisha ugu sareysa Jamhadda ONLF ee kasoo horjeedda dowladda Itoobiya
Commentaires
Enregistrer un commentaire