Mustafaa suxuufi
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi maanta uu ka furmay Shir u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo Jamhadda ONLF.
Mas’uuliyiin ka tirsan Jamhadda hubeysan ee ONLF ayaa warbaahinta u sheegay in Shirkaan uu daba socdo Shirar horay u dhexmaray dowladda Itoobiya iyo sidoo kale Jamhaddaasi.
Shirka Maanta ka furmay dalka Kenya ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar.
ONLF ayaa ah Koox hubeysan oo kasoo horjeedda Soomaali Galbeed in ay ka mid noqdaan dowladda Itoobiya.
Dowladda Itoobiya ayaa Sanado badan dagaal kula jirtay ONLF, waxaana hadda xoogeeda Jamhaddaasi ay ku sugan yihiin dalka Dibadiisa.
Dowladda Itoobiya ayaa Sanado badan dagaal kula jirtay ONLF, waxaana hadda xoogeeda Jamhaddaasi ay ku sugan yihiin dalka Dibadiisa.
Shirkaan ayaa kusoo beegmaya Xilli dhawaan dowladda Itoobiya ay sheegtay in gacanta ku heyso saraakiil ka tirsan Jamhaddaasi.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa Sanadkii hore ku tilmaamtay Aragagixiso ONLF, waxaana dowladda Etoobiya ku wareejisay sarkaal ka tirsanaa ONLF oo lagu magacaabo Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax
Commentaires
Enregistrer un commentaire