Accéder au contenu principal

Dhalinyaro toogasho ka geystay Muqdisho oo goordhow gacanta lagu dhigay

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil magaalada Muqdisho loogu geystay askari ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaliya.kaasoo ka dhacy Isgoyska Sanca ee degmada Kaaraan.
Dad goob joogayaal ah,ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Nabad sugida ay isgoyska Maanabooliyo ku qabteen labo dhalinyaro ah mid ka mid ah lagu helay Bastoolad.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ragga qabtay ay yihiin kooxihii hubeysanaa ee isgoyska Sanca ku toogtay askariga ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Wali wax war ah kama soo bixin laamaha amaanka ee ku aadan toogashada,waxaana maalmihii u danbeeyay magaalada Muqdisho ka dhacayay dilal qorsheysan oo inta badan mas’uuliyadooda ay sheeganayeen Ururka Al-Shabaab

Commentaires

Posts les plus consultés de ce blog

Somaliland : DP World débarque à Berbera

L'accord passé début mai entre le port de Berbera et DP World a été finalisé le 29 janvier 2018 après la visite au Somaliland de Sultan Ahmed Ibn Sulayem, PDG de l'opérateur dubaïote. Le protocole d’accord, confirmé par le directeur du port, Ali Mohamed, porte sur la construction, d’ici à dix ans, d’un terminal d’une capacité de 200 000 conteneurs par an, donné en concession pour trente ans à  DP World . L’opérateur devra débourser 442 millions de dollars (près de 400 millions d’euros) pour réaliser et équiper les 650 mètres de quais. Le dragage (estimé à 500 millions de dollars) et la construction de la route qui reliera le port à l’Éthiopie (pour le même prix) restent à attribuer. Annoncé en mars, le contrat qui prévoit que 30 % du fret éthiopien transitera à terme par Berbera n’a en revanche pas été confirmé par Addis-Abeba

Kenya oo hoos u dhigtay xukun horay loogu riday xubin ka mid ah Shabaab

Mustafaa Suuxufi Nin horay loogu eedeeyay inuu ka tirsanaa Al-shabaab una dhashay dalka Kenya ayaa xukunkii lagu riday laga qafiifiyay. Elgiva Bwire Oliacha, oo 35 jir ah ayey Maxkamad ku taalla Kenya xabsi daa’in ku xukuntay lix sano ka hor kaddib markii lagu helay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab. Waxaana Hadda lagu xukumay  15 sano oo xabsi ah, ka dib markii ay Maxkamadda Racfaanka kusoo oogtay inuu ka tirsan yahay Al Shabab. Ciidanka Kenya ayaa sheegay in Ninkan ay ka qabteen deegaanka Kooyaale isaga oo watay Qori AK-47 ah,labo Bastooladood,717 Xabbo oo rasaas ah,hal Qori oo nooca SNG-ga ah iyo 13 Bambo gacmeed. Ninkaan ayaa la waayay Foomkii lagu xukumay, waxaana Maxkamadda dowladda Kenya ay amartay in hoos oo dhigo xukunkii lagu riday. Garsoorayaasha ka la ah  Daniel Musinga, William Ouko iyo  Gatembu Kairu, ayaa sheegay in ay caddeyn u waayeen in Ninkan uu ku dhaawacmay weerarka Baska waxaana jirkiisa laga waayay dhaawacyada kiis dacwadeedkiisa ka mid ka...

Shirka Wadatashiga IGAD oo Muqdisho ka socda

Mustafaa suxuufi Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda Shirka wadatashiga dalalka IGAD ku midoobey, waxaana Shirkaan looga hadlaayo arrimo dhowr ah oo ku saabsan dalalka IGAD. Shirkaan ayaa inta badan waxaa diiradda lagu saaraya hanaanka xuduudaha dalalka IGAD sidii layskaga gudbi lahaa fiisa la’aan. Waxaa Shirkaan ka qeyb galaya xubno ka socda dalalka IGAD Dowladda Dhexe ee Soomaaliya iyo sidoo kale maamul goboleedyada Wakiilo ka socda. Shirkaan ayaa ka socda xarunta Ciidamada AMISOM ee Muqdisho , waxaana uu noqonaya Shirkaan  kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee lagu qabto Magaalada Muqdisho. Sanadyadii ugu dambeeyay dalalka IGAD ayaa dadaal badan ku bixinaayay sidii loo hagaajin lahaa Xiriirka socdaalka ee dalalkaasi ka dhaxeeya