Hay’ada Freedom House oo Itoobiya Dhulka Lasintay.
Mustafa suuxufi online Warbixin sanadeed ay soosaartay hay’ada Freedom House ayaa lagu diirada lagu saaray dowladaha aduunka ugu dhaqanka iyo maamulka wanaagsan iyo kuwa ugu liita dhinaca maamulka iyo dowladnimada.
Hay’ada caalamiga ah ee Freedom House ayaa warbixinteeda sanadlaha ah sanadkii tagay ee 2017 ku qiimaysay wadamada aduunka si ay isbarbar dhig ugu samayso kuwa ugu wanaagsan iyo kuwa ugu xun marka laga eego dhinacyada dowladnimada looga baahan yahay.
Hay’ada ayaa kaalmaha hore ee maamul wanaaga iyo dowlad nimada soogalisay qaar kamid a dowladaha yurub sida Norway, Dermark iyo Swedan iyadoo kusheegtay dowladaha ugu dhaqan iyo maamul wanaagsan marka laga eego dhinaca dhaqanka dowliga ah.
Hay’ada Freedom House oo qiimaynteeda ku eegaysay dhinacyada amaanka, musuq maasuqa, maamul wanaaga, arimaha xuquuqa aadamaha iyo dhinacyo kale ayaa wadanka dunida ugu liita ku sheegtay wadanka gumaysiga Itoobiya ee hada siiburburaya.
Hay’ada ayaa Itoobiya kusheegtay wadan uu musuqu ka qaan gaadhay isla markaana amaan xumadu ay gaadhay heerkii ugu sareeyay, waxayna hay’adu xusay in xabsiyada Itoobiya ay ku xidhan yihiin kumanaan qof oo shacab ah, kuwaas oo maxkamad la’aan iska xidhan.
Gabagabadii hay’ada Freedom House ayaa dunida kacodsatay in wax laga qabto dhibaatooyinka kajira guud ahaan wadanka Itoobiya, isla markaana maamulka wayaanaha labaro dhaqanka bini’aadamka
Commentaires
Enregistrer un commentaire