Accéder au contenu principal

Al Shabaab oo la sheegay in Lacago ay ka helaan Gargaarka la siiyo Soomaaliya

Xarakada Al Shabaab ayaa lagu eedeeyay in ay Malaayiin Dollar ka helaan Sanad kasta Lacagaha Gargaarka ah ee loogu talay galay Soomaaliya.
Baaritaan uu dhawaan sameeyay Telefshinka CNN oo fadhigiisu yahay dalka Mareykanka ayaa sheegay in Lacag badan oo Qaramada Midoobay ay ugu tala gashay in lagu Gargaaro dadka ay saameyeen abaaraha iyo colaadaha ka taagan Soomaaliya ay gasho gacanta Al Shabaab.
Telefishinka CNN ayaa xusay in xogo badan ay ka heleen sarkaal hore ugu tirsanaa Al Shabaab hadana la shaqeeya Ciidamada sirdoonka Soomaaliya oo ay magaciisa qariyeen.
Sarkaalkaasi ayaa sheegay in Al Shabaab ay Lacago badan ka helaan gobollada ku yaalla koonfurta Soomaaliya oo la gaarsiiyo Gargaarka ugu badan.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Al Shabaab ay qaabab kala duwan Lacago joogto ah ay maalin walba ku helaan.
Mid ka mid ah baarayaasha CNN ayaa sheegay in maalin walbo Al Shabaab ay Lacag gaareysa 5000 oo Dollar ka helaan jidgooyooyin ay Lacago kaga qaataan Gaadiidka isticmaala Waddooyin ku yaalla koonfurta Soomaaliya.
Dowladda Ingiriiska ayaa hore u sheegtay in Al Shabaab ay u gacan gasho qaar ka mid ah kaalmada ay siiso Soomaaliya

Commentaires

Posts les plus consultés de ce blog

Somaliland : DP World débarque à Berbera

L'accord passé début mai entre le port de Berbera et DP World a été finalisé le 29 janvier 2018 après la visite au Somaliland de Sultan Ahmed Ibn Sulayem, PDG de l'opérateur dubaïote. Le protocole d’accord, confirmé par le directeur du port, Ali Mohamed, porte sur la construction, d’ici à dix ans, d’un terminal d’une capacité de 200 000 conteneurs par an, donné en concession pour trente ans à  DP World . L’opérateur devra débourser 442 millions de dollars (près de 400 millions d’euros) pour réaliser et équiper les 650 mètres de quais. Le dragage (estimé à 500 millions de dollars) et la construction de la route qui reliera le port à l’Éthiopie (pour le même prix) restent à attribuer. Annoncé en mars, le contrat qui prévoit que 30 % du fret éthiopien transitera à terme par Berbera n’a en revanche pas été confirmé par Addis-Abeba

Faraca Samawade Ee Magaalada Riyad oo Kulmay

Mustafaa suxuufi online Maanta oo Jumce ahayd taariikhduna ay kubeegnayd 9/2/18 waxaa magaalada Riyad ee xarunta wadanka Sucuudiga kaqabsoomay shirkii todobaad laha ahaa ee faraca Samawade ee Jaaliyada Soomaalida Ogadenia. Shirkan oo ahaa mid sifiican loosoo agaasimay waxaa lagu furay aayado qur’aan ah iyo wacdi diini ah, wuxuuna sheekhu maanta wacdigiisa diirada kusaaray cabsida Allaah iyo fadliga Jihaadka. Intaas kadib waxaa kulanka khudbad dheer oo warbixin iyo xog waran isugu jirtay kasoo jeediyay gudoomiyaha Jaaliyada, isagoo bulshada kuguubaabiyay in loodiyaar garoobo isbadalada geeska Africa. Sidoo kale waxaa kulanka khudbado kala duwan kasoo jeediyay qaar kamid ah kaadirka faraca iyo waliba waxgaradka jaaliyada kuwaas oo dhamaantood kutaliyay in halganka lasii labanlaabo. Gabagabadii kulankii maanta ayaa kusoo dhamaaday sinabad galiyo ah waxaana lagu balamay xoojinta halganka ay JWXO hogaaminayso iyo difaaca shacabka dulman ee soomaalida Ogadenia.

Kenya oo hoos u dhigtay xukun horay loogu riday xubin ka mid ah Shabaab

Mustafaa Suuxufi Nin horay loogu eedeeyay inuu ka tirsanaa Al-shabaab una dhashay dalka Kenya ayaa xukunkii lagu riday laga qafiifiyay. Elgiva Bwire Oliacha, oo 35 jir ah ayey Maxkamad ku taalla Kenya xabsi daa’in ku xukuntay lix sano ka hor kaddib markii lagu helay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab. Waxaana Hadda lagu xukumay  15 sano oo xabsi ah, ka dib markii ay Maxkamadda Racfaanka kusoo oogtay inuu ka tirsan yahay Al Shabab. Ciidanka Kenya ayaa sheegay in Ninkan ay ka qabteen deegaanka Kooyaale isaga oo watay Qori AK-47 ah,labo Bastooladood,717 Xabbo oo rasaas ah,hal Qori oo nooca SNG-ga ah iyo 13 Bambo gacmeed. Ninkaan ayaa la waayay Foomkii lagu xukumay, waxaana Maxkamadda dowladda Kenya ay amartay in hoos oo dhigo xukunkii lagu riday. Garsoorayaasha ka la ah  Daniel Musinga, William Ouko iyo  Gatembu Kairu, ayaa sheegay in ay caddeyn u waayeen in Ninkan uu ku dhaawacmay weerarka Baska waxaana jirkiisa laga waayay dhaawacyada kiis dacwadeedkiisa ka mid ka...