Accéder au contenu principal

Articles

Affichage des articles du février, 2018

Ali-Sabieh : Inauguration d’une cité de 100 logements sociaux au profit des familles défavorisées:

M.D.Derey DJIBOUTI Le ministre des Affaires Musulmanes, de la Culture  et des Biens Wakfs, Moumin Hassan Barreh, a parrainé hier à Ali-Sabieh l’inauguration d’une cité de 100 logements sociaux de type F2 au profit de nombreuses familles démunies, d’orphelins et d’handicapés physiques. La construction de cette nouvelle cité, sise à l’est de la ville assajog, a été entièrement réalisée par la fondation Al-Rahma. L’événement, qui a suscité l’enthousiasme d’une multitude de personnes, a réuni le préfet de la région, Mohamed Waberi Assoweh, le vice-président du conseil régional, le directeur de la branche africaine de la fondation Al-Rahma, Abdoulgani Al-Koureichi, un représentant des généreux bienfaiteurs  qataris à l’origine des fonds d’investissement de l’édification de la cité, Youssouf Mohamed Al-Mouftah, des élus locaux, et un député de la région fraîchement élu au Parlement. Au sein de cette nouvelle cité, la cérémonie solennelle d’octroi des clefs des habitations a débu

LA FAMEUSE PLANTE

      Un fils de patron est marié une journee noir a Djibouti c’était un mariage  l'un de fils du patron particulier a Djibouti: la musique est la danse traditionnelle faisait une ambiance. Mais il y avait une grande absente : la feuille verte de khat. jeune marié et pionnier du mariage avait informé ses invités que le khat, n’était pas la bienvenue à son mariage. Et j pense que sans khat notre societe ne seront plus active ,J'ai vraiment hésité avant d'accepter l'absence de khat à mon mariage. (...) Des membres de ma famille ont l'habitude de la mastiquer. Elle constitue (...) la principale attraction lors des (...) mariages. De nombreux invités ont menacé de boycotter mon mariage quand ils ont su qu'il n'y aurait pas de khat. Le sujet a été un page sur Facebook (Djiblive) a etait critiqué , le fils du patron a reçu avec de 800 commentaire venues supporter l'initiative. Certains jeunes couples veulent aussi créer des mariages similaires et po

Xogtii Ugu Dambeysay wada-hadalka dhowaan u furmaya DF iyo Somaliland

M.D.Derey Iyadoo la filayo in bilowga bisha March wadanka Jabuuti wadahadalo ku yeeshaan Madaxweynaha dowada Federaalka Soomaaliya Maxaamad Cabdulahi Farmaajo iyo Somaliland Muuse Biixi ayaa waxaa warar dheraad ah kasoo baxayaan dhinacyada ku lug leh qabsoomida kulankaan. Wadahadalkaan ayaa waxaa sahlaya hay’ad laga leeyahay dalka Switzerland oo la yirahado “The Centre for Humanitarian Dialogue’s (HD)”. Hay’adaan oo madaxdeeda uu kamid yahay Wasiirkii hore ee Wasaarada arimaha dibada Somaliland Maxamad Cabdulahi Cumar ayaa sida xogtaan sheegeyso udub dhexaad u ah diyaarinta kulankaan. Maxamad Cabdulahi Cumar oo saldhigiisu yahay Nairobi ayaa waxaa wayadaan dambe xiriir dhow uu la lahaa dowlada Federaalka Soomaliya gaar ahaan Siyasiyiinta Somaliland ee xilalka ka haysa Muqdisho. Wasiirkii hore ee Wasaarada arimaha dibada Somaliland ayaa sidoo kale aad ugu dhow Madaxweynaha cusub ee Somaliland isagoo dhinaca kale isku xira beesha caalamka iyo Muuse Biixi. Lama yaqaan a

PRÉSIDENCE DE FARMAJO: - PASSAGES ET GAINS SIGNIFICATIFS

M.D.Derey (2 ième parti) Au contraire, répondant le 9 février 2018 à une question posée par un journaliste de la BBC - que le parlement somalien était le plus haut organe législatif - le président s'est distancié de la décision Qalbidhagax et a indirectement mis en accusation le NISA et le cabinet. . Cette question est réglée et la nation doit continuer. Pillage des ressources nationales: Une deuxième violation de la vision somalienne par l'administration actuelle est son inconscience du pillage de ce qui reste de la souveraineté somalienne. Le cas d'espèce est l'attitude distante que l'administration a assumée jusqu'ici dans le colportage des ports de Berbera et de Bossasso. L'assentiment de l'administration à la remise des ressources du pays au plus offrant sans processus public transparent est antithétique aux promesses de campagne patriotique de Farmajo. Souveraineté oubliée: Un élément connexe à la violation de la vision nationale est la

PRÉSIDENCE DE FARMAJO: - PASSAGES ET GAINS SIGNIFICATIFS

Le 8 février 2017, la Somalie a connu une douce révolution menée par Mohamed A. Farmajo, et les vagues euphoriques qui ont suivi sa victoire et ils ont été ressenties dans tout le monde parlant somalien. Un candidat défavorable, Farmajo a remporté l'élection présidentielle de 2017 par une marge substantielle et a vaincu les mains de l'ancien président bien huilé de l'époque, l'ancien président Hassan Sheikh Mahmoud. Les Somaliens sentirent cette nuit comme si l'espoir arrivait à leur portée. un an plus tard? Comme ils réfléchissent tous sur les défis et les gains de l'année passée et l'objectivité. Il est souvent impossible de réaliser des programmes concrets et réalistes en une année. Pour cette raison, je souligne plutôt quelques problèmes de haut niveau qui ont capturé l'imagination de la nation (positive et négative) qui représentent des gains et des pertes. Je conclurai par de brèves remarques sur la marche à suivre. Lors de cette soirée mouve
    M.D.D Derey (garoonka Adan Caadey) 17/2/2018 6di subaniimo Dowlada Federaalka ayaa Gudi dhawaan u xilsaartay sidii dalka dib loogu soo celin lahaa Soomaali ku dhibaateysan Dalka libya oo mudo sanado badan gacan ugu jiray Kooxaha loo yaqaano magafayaasha ee lacaga baada ah ka qaata Somalida Muhaajiriinta ee u tahriiba Dalalka Yurub Safaarada Somalia ee libya iyo Xubno dhawaan gaaray dalkaas oo ay Dowlada u dirtay Xubnaha in ay soo ogaadaan Somalida dalkaa ku dhibaateeysan ayaa maanta waxaa lagu wadaa in muqdisho laga soo dejiyo Tobaneeyo dhalinyaro ah oo iyagu ogolaadeyn in dalka dib loogu soo celiyo. Somaalida qaar ayaan la soo sheegaya In ay diideyn in dalka dib loogu soo celiyo kuwaas oo weli ku hanweyn in ay aadaan dhinacaa iyo Yurub. Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub, Ambassador Ali Siciid Fiqi ayaa sheegay in Maalma kadib oo ay ku sugnayeen dalka Libya ay ku guuleysteen in ay dhalinyaradaas tahriibayaasha ah ay ku soo celiyaan S

L'Ethiopie déclare l'état d'urgence national

Un état d'urgence national a été déclaré en Ethiopie juste un jour après la démission inattendue du Premier ministre Hailemariam Desalegn. Une déclaration du radiodiffuseur d'Etat a déclaré que cette mesure était nécessaire pour endiguer une vague de manifestations antigouvernementales. Des centaines de personnes sont mortes en trois ans de troubles dans le pays. Un état d'urgence de 10 mois qui s'est achevé l'année dernière n'a pas permis d'arrêter les manifestations, tout comme la libération de milliers de partisans de l'opposition. Aucun détail n'a été donné sur la durée du dernier état d'urgence ou sur les restrictions. Le gouvernement a été sous pression à cause de la poursuite des manifestations de rue. Au cours des dernières semaines, il a libéré des centaines de prisonniers, y compris des politiciens de l'opposition, mais les manifestations n'ont montré aucun signe de fin. Jeudi, M. Desalegn a déclaré qu'il avait pris

Maraykanka oo digniin kasoo saaray xaalada ammaan ee dalka Ethiopia

 M.D.D (ethiopia) Dowladda Maraykanka ayaa digniin kasoo saartay xaalada ammaanka dalka Ethiopia kadib markii todobaadkii hore ay ka dhaceen mudaharaadyo ay ku dhinteen toban qof, kuwaas oo ka dhacay dhulka ay ku nool qowmiyada Oromada. Digniintaan ayaa lagu yiri: “Marka la eego tallaabooyinka taxadarka leh, Safaaradda Mareykanka waxay si ku meel gaar ah u hakineysaa dhammaan safarrada ka baxsan magaalada Addis Ababa ee loogu talagalay shaqaalaha nabadgelyada ee safaarada. Dowladda Maraykanka waxay muwaadiniinteeda ku sugan Ethiopia kula talisay inay si dhow ula socdaan isbedelada xaalada amni, dhegtana ku hayaan aqbaaraadka warbaahinta maxaliga ah iyo inay ka feejignaadaan goobaha mudaraharaadyada ay ka socdaan. Hailemariam Desalegn oo ahaa raysal wasaarihii waddanka Ethiopia ayaa is casilay khamiistii todobaadki hore, si xal loogu helo kacdoonada dalkiisa ka socda ee loogasoo horjeedo dowladda. Isbahaysiga talada haya ee Itoobiya, EPRDF ayaa u fadhiya sidii ay usoo magac

Macalimiin Lagu Dilay Weerar Lagu Qaaday Iskuul ku Yaala Degmada Wajeer

Ilaa saddex macalin ayaa lagu waramayaa in lagu dilay weerar kooxo la tuhusan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab ku qaadeen Qarsa Primary School oo ku yaala degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya. Macalimiinta la dilay ayaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen Nin ay xaaskiisa. Sidoo kale waxaa jira macalimiin ka badbaaday weerarka oo la sheegay in ay dhaawacyo soo gaareen kuwaa oo hadda lagu daweynayo isbitaal ku yaala degmada Wajeer Stephen Ng’etich oo ah madaxa booliiska degmada Wajeer ayaa weerarkan u xaqiijiyay warbaahinta, isaga oo sheegay in goobta loo diray ciidamada Amniga. ‘’Subaxnimadii hore ee saakay ayaan helay warka ku saabsan in la weeraray Qarsa Primary School, halkaa oo saddex macalin ay naftooda ku waayeen ayuu yiri Stephen Ng’etich. Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weeraro nuucaan oo kale ah waxa ay ka geysteen dalka Kenya, halkaasi oo ay ku dileen Macalimiin, kuwo kalena ay ku afduubteen.

Le tueur de serie en floride

                                            Nicolas Cruz Il y a beaucoup de gens qui est encore sous la peur L'image qui émerge est très laid au sujet de la fusillade a eu lieu à Marjory Stoneman Douglas Lycée  à Parkland, Floride, où il a tué 17 personnes, et beaucoup d'autres blessés. C'est une image que les gens connaissent très bien et qui leur vient souvent à l'esprit. Il est rapporté que Nicolas Cruz était un garçon célibataire, violent et ses parents sont morts, qui a été renvoyé de l'école au début. L'un des élèves dans les anciens étudiants ont souvent plaisanté avec le garçon de l'école ce jour-là sera une école de tir des attaques aiguës. Il a ajouté que le chef radical du groupe, Clark, faisait partie de son équipe et qu'il a participé à la formation. Enseignant, professeur de mathématiques nommé Jim Carter Miami journal Herald a rapporté que les enseignants étant avertissements écrits des menaces par des e-mail,cet menace a

Cyril Ramaphosa oo loo dhaariyay xilka madaxtinimada ee Koonfur Afrika

                           Cyril Ramaphosa Madaxad caddaalada ee dalka Koonfur Afrika, Mogoeng Mogoeng ayaa xilka madaxweynaha ee dalka Koonfur Afrika u dhaariyay madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaasi, imikana ah madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa. Barlamaanka dalka Koonfur Afrika oo kullan ku yeeshay magaalada Cape Town ayaa Cyril Ramaphosa u doortay inuu noqdo madaxweynaha dalkaasi. Mr Mogoeng Mogoeng ayaa maanta ku dhawaaqay in Ramaphosa loo doortay madaxweynaha dalka, iyadoo aysan jirin cid kula loollantay kursiga. Ramaphosa oo madaxweyne ku xigeen ah ayaa sida uu sharcigu qaba noqonaya madaxweyne ku xigeen marka uu madaxweynuhu xilka baneeyo. Wuxuu xilkan sii hayn doonaa ilaa iyo inta baarlamaanka dalkaasi uu madaxweyhne cusub ka dooranayo. Mr Ramaphosa ayaa bedelay madaxweynihii hore ee dalkaasi Jacob Zuma oo xalay khudbad uu ka jeediyay telefishenada ka sheegay inuu is casilay. Cyril Ramaphosa waa siyaasi ganacsade ah, tan iyo bishii disembar na soo h

Cyril Ramaphosa oo loo dhaariyay xilka madaxtinimada ee Koonfur Afrika

                           Cyril Ramaphosa Madaxad caddaalada ee dalka Koonfur Afrika, Mogoeng Mogoeng ayaa xilka madaxweynaha ee dalka Koonfur Afrika u dhaariyay madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaasi, imikana ah madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa. Barlamaanka dalka Koonfur Afrika oo kullan ku yeeshay magaalada Cape Town ayaa Cyril Ramaphosa u doortay inuu noqdo madaxweynaha dalkaasi. Mr Mogoeng Mogoeng ayaa maanta ku dhawaaqay in Ramaphosa loo doortay madaxweynaha dalka, iyadoo aysan jirin cid kula loollantay kursiga. Ramaphosa oo madaxweyne ku xigeen ah ayaa sida uu sharcigu qaba noqonaya madaxweyne ku xigeen marka uu madaxweynuhu xilka baneeyo. Wuxuu xilkan sii hayn doonaa ilaa iyo inta baarlamaanka dalkaasi uu madaxweyhne cusub ka dooranayo. Mr Ramaphosa ayaa bedelay madaxweynihii hore ee dalkaasi Jacob Zuma oo xalay khudbad uu ka jeediyay telefishenada ka sheegay inuu is casilay. Cyril Ramaphosa waa siyaasi ganacsade ah, tan iyo bishii disembar na soo h

Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay in ka badan 600 oo qof oo kalena waa ay ku barakaceen rabshado cusub oo ka billowday Bariga Itoobiya.

Wararka halkaasi laga helayo ayaa sheegaya in dhowr qof ay ku dhinteen rabsahdo shalay ka dhacay magaalooyinka ku yaalla Bariga Itoobiya. Tiro kale oo dad ah ayaa ku dhaawacay rabshadahaasi, halka dhismooyin dowladdu leedahay iyo gawaari la burburiyay inta ay rabshaduhu socdeen. Dowladda Itoobiya ayaa isku dhacyadaasi ku micneysay muran ka dhashay xadka u dhaxeeya Oromada iyo gobolka Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya. Oromada oo ah qowmiyadda ugu badan Itoobiya ayaa ku eedeyneysa cutub gaar ah oo ka tirsan booliiska Ismaamulka Soomaalida ee ay deriska yihiin inay geystaan dilal iyo xadgudubyo kale oo ka dhan ah xuquuqda bini`aadamka. Isku dhacyadan ayaa soo jiitamayay muddo bilooyin ah balse waxay soo xoogeysteen toddobaadkan. Dowladda Itoobiya ayaa sheegeysa in odayaal dhaqameedyada labada dhinac ay kala kaashaneyso xallinta khilaafaadka u dhaxeeya. Goobjooge ayaa BBC-da u sheegay in ciidamo milatariga ka tirsan ay haatan ilaalinayaan waddooyinka magaalada ay isku dhacyadu

Xaalada Gobolka Oromada oo Kasii Daraysa & Woyaanaha oo Si uu u Xakameeyo Garanla

Xaalada gobolka Oromada ayaa kasi daraysa marba marka kasii danbaysa waxaana maalin labaad galay shacabka oo isu soo baxwayn samay naya meelaha iyo ayagoo dhamaan suuqa wada xidhaaya oo aan wax shaqaynayaa jirin. Hadaba gumaysiga Itoobiya ayaa wuxuu garan la yahay si uu u mareeyo kacdoonka shacabka ee ay kaga soo horjeedaan xukuumada dhiigyo cabka ah ee kooxda TPLF taasoo xasuuqa shucuubaha ku hoos nool caado ka dhigatay. Waxaad hoos ka daawataa sawirada iyo muuqaalada aan idiin kasoo diyaarinay

Kenya iyo Soomaaliya oo dhexdhexaadinaysa ONLF iyo Itoobiya

Wada xaajood lagu soo afjarayo colaadda gaamurtay ee ragaadisay gobolka Soomaalida Itoobiya ayaa magaalada Nairobi uga socday sadexdii maalmood ee ugu danbaysay dawladda Itoobiya iyo ururka ONLF. Wada hadallada oo wareegyadii hore ay dhexdhexaadinaysay dawladda Kenya ayay dawladda Soomaaliyana ku soo biirtay waxaana la filayaa in natiijo wanaagsan ay ka soo baxdo. Labada dhinac ee la heshiisiinayo ayaa dhanka Itoobiya waxaa hogaaminayay madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar halka dhinaca ONLF uu hogaaminayo hogaanka arimaha dibadda Cabdiraxmaan Sh. Maadeey. Dawladda Kenya ayaa waxaa wada xaajoodka ku matalayay madaxweynaha maamul gobolleedka Gaarisa Cali Bunow Qorane ayadoo gadaal uu kaga soo biiray hogaamiyaha xisbiga talada haya Aadan Barre. Sidoo kale waxaa wada xaajoodka ku jiray jilib culus ay kamid yihiin Senator Yuusuf Xaaji, Xildhibaan Yuusuf Xasan Indha-gamuun iyo danjire Maxamed Cabdi Afeey. Dhinaca Soomaaliya waxaa kaalinta dhexdhexaadi

Banaan baxyo rabshada wata oo dib uga curtay Itoobiya iyo Mareykanka oo ka walaacsan

Gobolo kamid ah dalka Itoobiya waxaa mar kale dib uga bilowday banaan baxyo rabshada wata oo looga soo horjeedo dowlada, waxaaba banaan baxyadan lasoo sheegayaa in ay ka dhasheen khasaaro kala duwan. Banaan baxyada xoogooda ayaa ka dhacay labo gobol oo kamid ah dalka Itoobiya kuna xoogan yihiin Mucaaradka, waxaana la xiray wadooyin kuyaala goboladaasi waxaa sidoo kale xirmay ganacsigii halkaasi ka jiray. Ciidamada Itoobiya ayaa awood u adeegsaday dadka banaan baxyada dhigayay, waxaana la sheegay in dad ku dhinteen kuwa kalana ku dhaawacmeen rasaas ay ciidamada u adeegsadeen dadka dhigayay banaan baxyada. Dowlada Mareykanka ayaa ka walaacsan banaan baxada rabshadaha waa ee dib uga curtay gobolo kamid ah dalka Itooviya, waxa ayna ku baaqday dowlada Mareykanka in xaalada la dajiyo. Mareykanka ayaa ka codsada dowlada Itoobiya in aan awood loo adeegsadan dadka baan baxayaxa , waxa ay sidoo kale dalbatay in dowlada sii deyso siyaasiyinta iyo Wariyaasha loo xiray dibad baxyadii iyo r

Siyaasiyiin Oromo Ah oo Xabsiga Laga Siidaayay & Dadwaynaha oo Soodhaweeyay

Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in maalin nimadii shalay xabsiga laga siidaayay lix nin oo ahaa siyaasiyiin caan ah, kuwaas oo udhashay qoomiyada bahdilka badan lagu sameeyo ee Oromada. Sida xogta aan kuhelayno xukuumada wayaanaha ayaa siidaysay 6 siyaasi oo katirsanaa xisbiga mucaaradka ah ee OFC, waxaana dadka lasiidaayay kamid ahaa ninka ay bulshada Oromadu sida wayn uga mudaharaaday ee Bakale Gerba. Warka ayaa intaas kudaraya in siyaasiyiintan udhalatay qoomiyada Oromada si aan horay loo arag loogu bahdilay xabsigii dheeraa ee lagu hayay, waxaana lasoo tabinayaa in ay xabsiga kasoo qaadeen xanuuno kala duwan oo aysan horaan uqabin. Dadka shacabka ah ee Oromada iyo xisbigoodii OFC ayaa siwayn usoo dhaweeyay siidaynta siyaasiyiinta, inkasta oo dadwaynuhu ay aad uga xumaadeen shuruudaha lagu xidhay siidayntooda iyagoo sida lasheegayo lagu qasbay in ay sixiixaan waraaq ay kuqiranayaan dambi yadooda. Kooxda TPLF ayaa siidaynta siyaasiyiinta ug

Kacdoonadii Itoobiya oo Sare Ukacay & Walwalka Wayaanaha oo Batay

Iyadoo ay wali wadanka gumaysiga Itoobiya sidii loogu talagalay uga socdaan kacdoonadii shacabka ee socod iyo shaqo la’aan ee dhalinta kacdoonadu ay kubaaqeen ayaa la arkayaa isusoobaxyo waawayn oo rabshado wata oo kasocda qaybo kamid ah wadanka. Sida xogta aan kuhelayno dadwayne aad ufara badan oo kuwa kacdoon wadayaasha ah ayaa isugu soobaxay deegaanada kuxeeran magaalada gumaysiga caasimada u ah ee Addis Ababa, halkaas oo dadwaynuhu ay gubeen taayaro iyo waliba qashin aad ubadan. Dad koob joogayaal ah oo kusugan magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in ay arkayeen qiiq aad uwayn oo ka baxaya wadooyinka waawayn ee magaalada soogala iyo dadwayne aad ufarabadan oo muujinaya sida ay udiidan yihiin gumaysiga mudada dheer daashada ee wayaanaha. Dhinaca kale ciidanka wayaanaha oo wata dabaabaadka dagaalka ayaa lasheegayaa in ay meelo katirsan Oromia iyo Ahmara kafuliyeen howlgalo ay kubeegsanayaan dhalinta kacdoon wadayaasha ah iyagoo si naxariis daro ah ula dhaqmaya hadba cidii ay qa

Dhageyso deegaanada ay ka socdaan dagaalada u dhaxeeya ciidanka dowlada iyo dhaqdhaqaaqa Alshabaab

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda ay dib uga baxeen deeganadii Shalay ay Al-Shabaab kala wareegeen kadib howlgal ay sameeyeen. Ciidamada Dowladda oo garab ka helayay kuwa Cadaan ah ayaa arroornimadii hore ee Isniintii shalay waxa ay weerar ku qaadeen tuulooyin hoostaga Afgooye sida Bariire,Awdheegle iyo tuulooyin kale oo ay la wareegeen. Guddoomiye Ku Xigeenka Shabeellaha Hoose Cabdfataax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in howlgalkaas uu ahaa mid lagu burburiyay Koontoroolo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab isla markaana tuulooyin farabadan ay isku ballaariyeen Ciidamadu. Wararkii u dambeeyay ee haatan nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda ay dib uga soo laabteen deegaanadii ay la wareegeen isla markaana ay haatan ku sugan yihiin Al-Shabaab

Al Shabaab oo la sheegay in Lacago ay ka helaan Gargaarka la siiyo Soomaaliya

Xarakada Al Shabaab ayaa lagu eedeeyay in ay Malaayiin Dollar ka helaan Sanad kasta Lacagaha Gargaarka ah ee loogu talay galay Soomaaliya. Baaritaan uu dhawaan sameeyay Telefshinka CNN oo fadhigiisu yahay dalka Mareykanka ayaa sheegay in Lacag badan oo Qaramada Midoobay ay ugu tala gashay in lagu Gargaaro dadka ay saameyeen abaaraha iyo colaadaha ka taagan Soomaaliya ay gasho gacanta Al Shabaab. Telefishinka CNN ayaa xusay in xogo badan ay ka heleen sarkaal hore ugu tirsanaa Al Shabaab hadana la shaqeeya Ciidamada sirdoonka Soomaaliya oo ay magaciisa qariyeen. Sarkaalkaasi ayaa sheegay in Al Shabaab ay Lacago badan ka helaan gobollada ku yaalla koonfurta Soomaaliya oo la gaarsiiyo Gargaarka ugu badan. Sidoo kale waxa uu sheegay in Al Shabaab ay qaabab kala duwan Lacago joogto ah ay maalin walba ku helaan. Mid ka mid ah baarayaasha CNN ayaa sheegay in maalin walbo Al Shabaab ay Lacag gaareysa 5000 oo Dollar ka helaan jidgooyooyin ay Lacago kaga qaataan Gaadiidka isticmaala Wa

Maraykanka oo cambaarayn culus ujeedisay maamulka Somaliland

Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya ayaa si xoogan u cambaareysay xariga uu maamulka Hargeysa ugeystay Naciimo Awbaan Qorane oo ah Gabadh Abwaanad ah oo aaminsan fikirka Soomaaliweyn iyo Maxamed Keyse Maxamuud oo dhawaan qoray buug uu ku ammaanayay M/weyne Farmaajo. Qoraal kasoo baxay safaarada ayaa Soomaaliland ayaa loogu baaqay maamulka Hargeysa inay si degdeg ah xoriyadooda ugusoo celiyaan labadaan muwaadin, waxayna safaaradu ugu yeertay maamulka Somaliland inuu ilaaliyo xaquuqda xoriyada hadalka. Safaaradda Maraykanka ee Somalia Waxay cambaaraynaysa xadhiga Naciima Axmed Ibraahin iyo Maxamed Kayse Maxamuud ee Somaliland ku xidhan. Waxaan ugu baaqayna dhammaan masuuliyiinta in ay ilaaliyaan xuquuqda hadalka ee aan qofka laga qaadi Karin,” Sidaas ayaa lagu yidhi qoraal kooban oo lagu baahiyay bogga rasmiga ah ee saaraddu ku leedahay. Abwaan Qorane oo ah Aabaha dhalay Naciimo Qorane, ayaa sheegay gabadhihiisa in loo diiday inuu la kulmo tan iyo markii uu warbaahinta kasii daayay

Ciidamada Danab oo la wareegay degaano ka tirsan Sh/Hoose

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kuwa Danab ayaa saakay aroortii Howlgal lagu jarmaaday waxa ay ku qaadeen degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo ay maamulayeen xoogaga ururka Al-shabaab. Ciidanka xoogga dalka oo garab ka helaya Ciidamo cadaan ah oo Mareykanka u dhashay iyo kuwa AMISOM ayaa waxa ay dagaal la’aan la wareegeen degaano ay ka mid yihiin Mubaarak, Daarusalaam, iyo degmada Awdheegle oo dhammaantood ka wada tirsan Shabeellaha Hoose. Hugunka Rasaasta iyo Qaraxyo toos ah ayaa saakay aroortii hore laga maqlayay degaanada uu Howlgalka ka dhacay, waxaana Hubka adeegsanayay labada dhinac, shacabka halkaasi ku sugan ayaa cabsi badan ay soo wajahday. Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka ayaa Idaacadda Risaala si hoose ugu sheegay Ciidamada inta ay Howlgalkooda ku guda jireen in ay iska hor imaad kula kulmeen Tuulada Ugunji oo u dhow degaanka Janaale, wuxuuna dagaal kooban dhexmaray Ciidanka Millitariga iyo ururka Al-shabaab. Saraakiisha ayaa waxa ay in

Xogtii Ugu Dambeysay Wadahadalada Nairobi Uga Socda ONLF & itoobiya oo Guul ku dhaw

Wada hadalada u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo Jabhadda ONLF ayaa maalintii 3aad galay, iyadoo wafuud labada dhinac ka kala socday uu shir uga socdo goob qarsoodi ah oo ka mid ah magaalada Nairobi. Baraha Bulshada ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay lagu soo bandhigayay sawirada wafuuda labada dhinac ee uga qeyb galayay wada hadalada. Afhayeenka ONLF C/qaadir Xasan Hirmooge oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliya ee BBC-da ayaa sheegay in wada hadalada ay meel wanaagsan marayaan, lagana soo saari doono war saxaafadeed. Waxaa uu sheegay in wada hadaladan ay ka duwan yihiin wada hadaladii hore, maadaama xubnaha ka qeyb galaya ay ka culus yihiin xubnihii horay uga qeyb galay wada hadaladii hore ee fashilmay. Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo ay ka mid yihiin Mas’uuliyiin ka socota Wasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya ayaa wada hadalka ka qeyb qaadanaya. Sidoo kale dhanka ONLF ayaa waxaa ka dhex muuqda mas’uuliyiin sare oo Jabhadda xubi

Sarkaal Al Shabaab ah oo isku dhiibay Ciidamada DFS ee Gedo

-Sarkaal sare oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in maanta uu isku soo dhiibay Ciidamada dowladda ee gobolka Gedo. Taliyaha Ciidamada howlgalinta ee gobolkaasi Cabdi Cali Maxamuud oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in sarkaalkaasi uu iska soo dhiibay magaalada Baardheere. Waxaana uu Magaciisa ku sheegay Cabdinuur Aadan oo uu xusay in Al Shabaab uu u qaabilsanaa deegaanka Faxfax-dhuun ee gobolkaasi Gedo. Taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in sarkaalkaasi ay ku soo dhaweeyeen Baardheere, haataana uu ku sugan yahay magaaladaasi

Ciidamada Amaanka oo muqdisho ku dilay Askari Ka Tirsan Ciidanka Milateriga

Ciidamada Amaanka Gaar ahaan Kuwa NISA ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku dilay Askari Ka Tirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya. Dilka ayaa La sheegay in uu ka dhacay Meel aan Ka Fogeen Isgooska Sanca ee Muqdisho. Askariga La dilay ayaa ka Tirsanaa Milateriga Soomaaliya,Waxaana Ciidamada NISA ay ka qaateen Garay iyo Bastoolad. Lama Oga Sababta loo dilay Laakiin Dadka Deegaanka ayaa inoo sheegay in Askarta Nabad sugida ay Qorayga Ka Qaateen Askariga Dilka Loo gaystay

Dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia iyo jabhadda ONLF oo uu wada hadal rasmi ah uga furmay Nairobi.

Dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia iyo Jabhada ONLF ayaa bilaabay wada hadal rasmi ah oo uga furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa hogaaminaya xubnaha wada hadalka la galaya jamhadda ONLF, taasoo muddo dheer dagaal kula jirtay dowladda Ethiopia. Waa wada hadalkii labaad oo dhexmaraya labada dhinac tan iyo sannadkii 2012, xilligaas oo shir sidaan oo kale ah la isugu yimid, balse wax natiijo ah shirkaas lagama gaarin. Arrimaha ugu weyn ee shirkaan la filayo inay kasoo baxaan ayaa ah xabbad joojin labada dhinac ay heshiis ku gaaraan iyo in lasoo afjaro colaada. Wada hadalkaan ayaa loo arkaa talaabo dhanka wanaagsan loo qaaday laguna soo afjarayo qalalaasaha in muddo ah ka taagaanaa Gobolkaas. Jabhada ONLF ayaa muddo dheer dagaal hubaysan kula jirta Dowladda Ethiopia dagaalkaas oo ay dad badani ku naf waayeen kumanaan kalena ku baro kaceen

Dhalinyaro toogasho ka geystay Muqdisho oo goordhow gacanta lagu dhigay

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil magaalada Muqdisho loogu geystay askari ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaliya.kaasoo ka dhacy Isgoyska Sanca ee degmada Kaaraan. Dad goob joogayaal ah,ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Nabad sugida ay isgoyska Maanabooliyo ku qabteen labo dhalinyaro ah mid ka mid ah lagu helay Bastoolad. Wararka qaar ayaa sheegaya in ragga qabtay ay yihiin kooxihii hubeysanaa ee isgoyska Sanca ku toogtay askariga ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya. Wali wax war ah kama soo bixin laamaha amaanka ee ku aadan toogashada,waxaana maalmihii u danbeeyay magaalada Muqdisho ka dhacayay dilal qorsheysan oo inta badan mas’uuliyadooda ay sheeganayeen Ururka Al-Shabaab

Mareykanka oo dib u dajin u sameynaya Qaxooti Soomaaliyeed

Dowladda Mareykanka ayaa Aqbashay in ay dib u dajin u sameyso Qaxooti oo ay Soomaali ku jirto oo ku sugan Xeryo Qaxooti oo ku yaalla Jaziiradda Nauru ee ku dhow dalka Australia. Qaxootigani ayaa noqonaya qeybtii 4-aad ee uu Mareykanku ogolaado in uu dib u dajin ugu sameeyo dalkiisa kadib wahadal muran dhaliyay oo dhexmaray madaxda Mareykanka iyo Australia. Illaa 110 Qof  ayaa dib u dajin looga sameeyay dalkaasi Mareykanka, iyadoona ku dhawaad 2,000 oo kalena ay weli ku harsan yihiin Xeryahahaasi. Dadkani ayaa ah dhaamaantood Rag, kuwaas oo aan wax wehliyaa jirin, marka laga reebo 1 Nin oo ka soo jeeda Qowmiyadda Rohinga iyo Xaaskiisa. Sida uu sheegay mid ka mid ah Mas’uuliyiinta hay’ad ka shaqeysa arrimaha Qaxootiga dadkaasi magangalyo doonka ah ayaa ka soo kala jeeda dalalka Iran, Soomaliya , Pakistan, Afghnistan iyo Myanmar. Dhawaan ayey ahayd markii dowladda Mareykanka sheegtay in ay xanibaadii ka qaaday Muwaadiniinta dalal ay ku jirto Soomaaliya, kuwaas oo horay looga ma

Wararkii Ugu Dambeeyay Shacab Hubeysan iyo Kooxda Shabaab oo dagaalamay

Wararka naga soo gaarayo deegaan lagu magacaabo War-mooley oo u dhaxeeya Degmada Ceelbuur iyo Magaalada Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya Al-Shabaab iyo dadka deegaanka. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu salka ku haayo labo arin oo kala ah, tababar la sheegay in ay Al-shabaab doonayaan in loo sameeyo odayaasha iyo dadka da’da ah si ay uga qayb qaataan dagaalada shabaab iyo dilka Lobo qof oo shacab ah oo ay Shabaab fuliyeen. Dagaalka maanta dhacay ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray. Dadka deegaanka ayaa sheegay in Guriceyl la soo gaarsiiyay dhaawaca 2 qof oo shacab ah tiro dhimasho ahna ay jirto Shabaaab iyo dadka deegaanka soo gaaray. Al-Shabaab ayaa kordhiyay cadaadiska ay u geysanayaan dadka ku nool gobalada dhexe ee Soomaaliya, mudooyinkii la soo dhaafay. Xaaladda goobihii lagu dagaalamay ayaa hada degan, waxaana Tuulada lagu dagaalamay ee War-mooley 50 KM u jirtaa magaalada dhuusamareeb ee Xarunta

ololaha doorashooyinka ee 2018-ka Golaha Sharci-dejinta ee magaalada Jabuuti: Waddooyinka Cheick Moussa iyo Degmada

Ilaa iyo habeenkii Khamiista, ololaha doorashooyinka ee doorashooyinka 2018, ayaa si rasmi ah loogu furay dhulka guud ee qaranka. Waqtigani wuxuu u ololeynayaa 35 musharax oo ka mid ah isbahaysiga Midowga Afrika ee ugu weyn ee madaxweynaha (UMP) ee caasimadda. Hogaamiyaha, Abdoulkader Kamil Mohamed, iyo isku-duubayaashii UMP waxay dooratay degmada Cheick Moussa ee wada-xaajoodka Balbala, kulankoodii ugu dambeeyay. Waxay ahayd galabnimadii jimcaha, February 9, halka shirkii labaad, uu dhacay maalintii xigtay, Sabtidii, Febraayo 10, ka hor garoomada garoonkeeda, ee degmada Boulaos. Waxyaabaha muhiimka ah ...  Ururka Midowga Mudaaharaadyada (UMP), oo ah isbahaysi shan xafladood oo waaweyn oo ka socda waddanka (RPP, FRUD, PND, PSD iyo UPR) ma cidhiidhin karaan habka ugu badan ee kuraasta Golaha Qaranka. Xaqiiqdii, laga bilaabo saacadaha ugu horreeya ee furitaanka rasmiga ah ee ololaha, dadka dhaqdhaqaaqa ayaa soo jiidanaya oo ku riixay darbiyada dariiqyada waawayn ee caasimadda, waraa

Doraashada barlamaanka ee dalka jabuti

Doorashadii baarlamaaniga ee 2018 ayaa bilaabatay jimcihii jimcaha ee dalka. Saddex xisbi siyaasadeed ayaa ku jira doorashooyinka sharci dejinta, sida UMP, UDJ-PDD iyo ARD. Madaxda UDJ-PDD Ilaya Ismaaciil Guedi Hared iyo Maxamed Daoud Chehem ayaa labaduba waxay bilaabeen kulankooda ugu horreeya galabnimadii Jimcaha iyagoo horay u ahaa farmashiyaha weyn ee PK12.  Labada hoggaamiye ee UDJ iyo Xisbiyada DP ayaa si diirran ugu soo dhaweeyay dad badan oo farxad leh markii ay halkaas joogaan. line of Head of UDJ ee la socday madaxweynaha ka ah guddiga fulinta ee Golaha Qaranka ee Civil Society Jabuuti (CNSCD) Ismail Sanalaseh iyo Isse Abdo, afhayeenka UDJ ah. Waa la is-hoosaysiinta iyo farxad weyn in musharraxa Ilaya Ismail Geedi Hared, taasoo keentay Head of liiska murashaxiinta oo ka mid ah isbahaysiga UDJ-DP galabta u baxay inuu PK12 magaalada Balbala. Ku xigeenkii hogaamiyaha DP Mohamed Daoud Chehem, oo ah mudaharaad iyo dagaalyahannadii isbahaysigeeda, ayaa si diirran loogu soo d