Accéder au contenu principal

Articles

Abaabul Siyaasadeed oo ka dhan ah Madaxweynaha Jubbaland oo Muqdisho ka socda

Mustafaa suxuufi Abaabul ka dhan ah Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa saacaddihii ugu dambeeyay ka socday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Abaabulkaan ayaa waxaa wadda Siyaasadeed kasoo jeedda maamulka Jubbaland, kuwaasoo aan ku qanacsaneyn hoggaanka maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam. Kulamo ka dhacay Muqdisho oo ay kasoo qeyb galeen Siyaasiyiin , Xildhibaano iyo qaar ka mid ah Bulshadda kasoo jeedda degaanada maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in Jubbaland ay ka jirto xaalad aad u xun. Siyaasiiinta Magaalada Muqdisho ku shiray waxaa ka mid ahaa  Wasiirkii hore ee Warfaafinta C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo ka mid ahaa Musharaxiintii u tartantay xilka Madaxweynaha Soomaaliya doorashadii sanadkii hore dhacday. Magaalada Kismaayo ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ka taagnaa Khilaaf u dhaxeeyay Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Jubbaland qaarkood iyo sidoo kale hoggaanka maamulka Jubbaland. Khilaafka ayaa ka dhashay Xanaasad ka qaadidii iyo Xarigii loo

Shirka Wadatashiga IGAD oo Muqdisho ka socda

Mustafaa suxuufi Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda Shirka wadatashiga dalalka IGAD ku midoobey, waxaana Shirkaan looga hadlaayo arrimo dhowr ah oo ku saabsan dalalka IGAD. Shirkaan ayaa inta badan waxaa diiradda lagu saaraya hanaanka xuduudaha dalalka IGAD sidii layskaga gudbi lahaa fiisa la’aan. Waxaa Shirkaan ka qeyb galaya xubno ka socda dalalka IGAD Dowladda Dhexe ee Soomaaliya iyo sidoo kale maamul goboleedyada Wakiilo ka socda. Shirkaan ayaa ka socda xarunta Ciidamada AMISOM ee Muqdisho , waxaana uu noqonaya Shirkaan  kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee lagu qabto Magaalada Muqdisho. Sanadyadii ugu dambeeyay dalalka IGAD ayaa dadaal badan ku bixinaayay sidii loo hagaajin lahaa Xiriirka socdaalka ee dalalkaasi ka dhaxeeya

Shir Nairobi uga Furmay Itoobiya iyo ONLF

Mustafaa suxuufi Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi maanta uu ka furmay Shir u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo Jamhadda ONLF. Mas’uuliyiin ka tirsan Jamhadda hubeysan ee ONLF ayaa warbaahinta u sheegay in Shirkaan uu daba socdo Shirar horay u dhexmaray dowladda Itoobiya iyo sidoo kale Jamhaddaasi. Shirka Maanta ka furmay dalka Kenya ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar. ONLF ayaa ah Koox hubeysan oo kasoo horjeedda Soomaali Galbeed in ay ka mid noqdaan dowladda Itoobiya. Dowladda Itoobiya ayaa Sanado badan dagaal kula jirtay ONLF, waxaana hadda xoogeeda Jamhaddaasi ay ku sugan yihiin dalka Dibadiisa. Shirkaan ayaa kusoo beegmaya Xilli dhawaan dowladda Itoobiya ay sheegtay in gacanta ku heyso saraakiil ka tirsan Jamhaddaasi. Xukuumadda Soomaaliya ayaa Sanadkii hore ku tilmaamtay Aragagixiso ONLF, waxaana dowladda Etoobiya ku wareejisay sarkaal ka tirsan

SAWIRO: Labo nin isku ekeesiiyay Donald Trump iyo Kim Jong-un oo khal-khal geliyay ciyaaraha olombikada

Mustafaa suxuufi Labo nin oo saaxiibo ah islamarkaana isu soo ekeysiiyay madaxweynayaasha Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya (Donald Trump iyo Kim Jong-un) ayaa khal-khal geliyay ciyaaraha olombikada qaboobaha ee ka socda magaalada Pyeongchang dalkaasi Koonfurta Kuuriya. Labadan nin oo ay qabteen hay`adaha ammaanka ayaa laga saaray goobta ciyaaraha, waxaana lagu wadaa in lagu dacweeyo booliska si wax looga weydiiyo falka ay ku keceen islamarkaana ay khal-khal ugu abuureen goobta ay ciyaaruhu ka socdaan. Dhankooda ayay sheegeen nimankani in falkan ay ku keceen ay ula jeedeen oo keliya maadsi ama shactaro islamarkaana ay nabadgelyo u hor-seedaan adduunka. Mid ka mid ah nimankan oo wakaaladda wararka ee Reuters la hadlay islamarkaana diiday in uu shaaciyo magaciisa rasmiga ah ayaa sheegay in ay ka xun yihiin in ay dambi ku muteystaan dhacdadan

Xaaladda degmada Afgooye oo Saaka degan

Xaalada Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa dagen kadib markii ay xalay fiidkii Al-Shabaab ay kusoo qaadeen weerar Ciidanka Dowlada oo fariisin halkaasi ku lahaa. Taliyaha Ciidamada Booliska Afgooye C.qadir Cusmaan Nuunow ayaa  sheegay in Shabaab ay weerareen meel banaanka ka ah Degmada. Waxaa uu tilmaamay inaysan jirin, in Al-Shabaab ay gudaha usoo galeen Afgooye, isagoona sheegay in ciidamada dowladda ay ka hortageen weerarkaasi. Taliye Nuunow ayaa xusay in weerarkaasi aysan jirin khasaare uu geystay marka laga reebo in dad shacab ah ay soo gaareen dhaawacyo fudud. Al-Shabaab ayaa baraha ay ku faafiyaan wararkooda waxa ay ku sheegeen inay gudaha galeen degmada Afgooye, islamarkaana ay gacanta ku dhigeen halkii ay weerareen, mudo kooban, inkastoo uu taliyaha ciidanka Booliska Afgooye uu arintaasi beeniyay
adahadallada S/land iyo Somaliya oo ka furmaya Switzerland Mustafaa suxuufi Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliland Sacad Cali Shire oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay dib u bilaaban doonaan wadahadallada u dhaxeeya Soomaaliland iyo Soomaaliya. Waxaana uu tilmaamay in Wadahalladaasi ay dhawaan ka furmi doonaan dalka Switzerland. Sidoo kale Sacad Cali Shire Wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Soomaaliland ayaa  hoosta ka xariiqay ka hor shirkaasi in madaxda Soomaaliland iyo Soomaaliya kulan hor dhac ah ay ku yeelan doonaan dalka Jabuuti. Waxaana uu xusay in ay ka wada hadli doonaan ajandaha shirkaasi oo ay marti galineyso dowladda Switzerland

Kenya oo hoos u dhigtay xukun horay loogu riday xubin ka mid ah Shabaab

Mustafaa Suuxufi Nin horay loogu eedeeyay inuu ka tirsanaa Al-shabaab una dhashay dalka Kenya ayaa xukunkii lagu riday laga qafiifiyay. Elgiva Bwire Oliacha, oo 35 jir ah ayey Maxkamad ku taalla Kenya xabsi daa’in ku xukuntay lix sano ka hor kaddib markii lagu helay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab. Waxaana Hadda lagu xukumay  15 sano oo xabsi ah, ka dib markii ay Maxkamadda Racfaanka kusoo oogtay inuu ka tirsan yahay Al Shabab. Ciidanka Kenya ayaa sheegay in Ninkan ay ka qabteen deegaanka Kooyaale isaga oo watay Qori AK-47 ah,labo Bastooladood,717 Xabbo oo rasaas ah,hal Qori oo nooca SNG-ga ah iyo 13 Bambo gacmeed. Ninkaan ayaa la waayay Foomkii lagu xukumay, waxaana Maxkamadda dowladda Kenya ay amartay in hoos oo dhigo xukunkii lagu riday. Garsoorayaasha ka la ah  Daniel Musinga, William Ouko iyo  Gatembu Kairu, ayaa sheegay in ay caddeyn u waayeen in Ninkan uu ku dhaawacmay weerarka Baska waxaana jirkiisa laga waayay dhaawacyada kiis dacwadeedkiisa ka mid ka ah. Waxaana